We a good story
Quick delivery in the UK

Ka Joogsada Qof yiri "Laa Ilaaha Illallaahu" Xaqeeda Mooyee

About Ka Joogsada Qof yiri "Laa Ilaaha Illallaahu" Xaqeeda Mooyee

KA JOOGASADA QOF YIRI "Laa ilaaha illalaahu" XAQEEDA MOOYEE waa buug ka hadlaya mawduuc muhiim ah, gaar ahaan xilliyadan dambe ee ay fitnadu badatay. Waqtigan sida fudud loogu xadgudbo Shareecada Islaamka, lagana leexday jidkii ay qaadeen kuwii hanuunsanaa. Xilligan laga fogaadey, lana fududeystay Sunnadii Näbiga NNKA. Xilligan oo kale halkii loo carari jirey iyo culimadii dadkii laga horjoogsadey. Wuxuu Rasuulku, NNKA yiri "Culimadu waa kuwa dhaxla Nabiyada". Waa muxaadaro dhowr habeen socotey, uuna soo jeediyey Shiikh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan, Alle ha u naxariistee. Mawduucu wuxuu si gaar ah ugu hadlayaa khatarta gaalaysiinta qofka muslimka ah. Waxaa weheliya qormo gaaban oo ah muxaadaro uu isla shiikhu soo jeediyey oo cinwaankeedu yahay "Baarka Sare ee Islaamka". SHIIKH SHARIIF CABDINUUR SHARIIF XASAN sannadkii 1941 ayuu ku dhashay deegaanka Fiiq, Dhulka Soomaali Galbeed. Naxwaha wuxuu ka akhristay Shiikh Axmed Baaruud, Sarfiga iyo Fiqigana Shiikh Maxammed Xaaji. Wäxbarashadiisii dugsiga sare ilaa heer jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay Jaamacadda Al-azhar. Soomaaliya wuxuu ku soo noqday 1972-dii, wuxuuna macallin ka noqday kulliyadihii Lafoole iyo Gaheyr. CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

Show more
  • Language:
  • Somali
  • ISBN:
  • 9780957318069
  • Binding:
  • Paperback
  • Pages:
  • 226
  • Published:
  • November 29, 2023
  • Dimensions:
  • 140x13x216 mm.
  • Weight:
  • 325 g.
Delivery: 1-2 weeks
Expected delivery: January 2, 2025
Extended return policy to January 30, 2025
  •  

    Cannot be delivered before Christmas.
    Buy now and print a gift certificate

Description of Ka Joogsada Qof yiri "Laa Ilaaha Illallaahu" Xaqeeda Mooyee

KA JOOGASADA QOF YIRI "Laa ilaaha illalaahu" XAQEEDA MOOYEE waa buug ka hadlaya mawduuc muhiim ah, gaar ahaan xilliyadan dambe ee ay fitnadu badatay. Waqtigan sida fudud loogu xadgudbo Shareecada Islaamka, lagana leexday jidkii ay qaadeen kuwii hanuunsanaa. Xilligan laga fogaadey, lana fududeystay Sunnadii Näbiga NNKA. Xilligan oo kale halkii loo carari jirey iyo culimadii dadkii laga horjoogsadey. Wuxuu Rasuulku, NNKA yiri "Culimadu waa kuwa dhaxla Nabiyada". Waa muxaadaro dhowr habeen socotey, uuna soo jeediyey Shiikh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan, Alle ha u naxariistee. Mawduucu wuxuu si gaar ah ugu hadlayaa khatarta gaalaysiinta qofka muslimka ah. Waxaa weheliya qormo gaaban oo ah muxaadaro uu isla shiikhu soo jeediyey oo cinwaankeedu yahay "Baarka Sare ee Islaamka".
SHIIKH SHARIIF CABDINUUR SHARIIF XASAN sannadkii 1941 ayuu ku dhashay deegaanka Fiiq, Dhulka Soomaali Galbeed. Naxwaha wuxuu ka akhristay Shiikh Axmed Baaruud, Sarfiga iyo Fiqigana Shiikh Maxammed Xaaji. Wäxbarashadiisii dugsiga sare ilaa heer jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay Jaamacadda Al-azhar. Soomaaliya wuxuu ku soo noqday 1972-dii, wuxuuna macallin ka noqday kulliyadihii Lafoole iyo Gaheyr.
CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

User ratings of Ka Joogsada Qof yiri "Laa Ilaaha Illallaahu" Xaqeeda Mooyee



Find similar books
The book Ka Joogsada Qof yiri "Laa Ilaaha Illallaahu" Xaqeeda Mooyee can be found in the following categories:

Join thousands of book lovers

Sign up to our newsletter and receive discounts and inspiration for your next reading experience.